Soomaaliya: Dilal ka dhacay Wanlaweyn iyo Beledweyne

Image

WANLAWEYN, Soomaaliya - Dilal ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay magaalooyinka Wanlaweyne iyo Beledweyne, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.

Degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa xalay lagu dilay Kaaliyihii Maxkamada degmadaasi oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Jacfar Cabdi.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Walweyn Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa xaqiijiyay in labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ay Marxuum Maxamed Jacfar ku dileen afaafka hore ee gurigiisa.

Kuwa ka dambeeyay dilka ayuu sheegay in goobta isaga baxsadeen kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka maamulka degmada Wanlaweyn, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka mas'uulka katirsanaa maxkamadda Wanlaweyn, balse saraakiisha maamulka ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay ka dambayso.

Dhanka kale, Askari katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa qof shacab ah xalay ku dilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yaliyaha howlgelinta Ciidamada Booliska Baladweyne Carab Yuusuf Nuur ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Askari gacan ku dhiiglaha ah, iyadoo lagu xiray saldhiga degmada.

Qofka shacabka ayaa marayay xilliga dilka meel ku dhaw saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Buundoweyn, iyadoo wararku ay sheegayaan in Askari uu u toogtay shaki dartiisa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM