Soomaaliya: Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

JANAALLE, Shabeellaha Hoose – Warar aan weli si madaxbannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) ay Talaadadii ka dhacday tuulada Ukunji ee degmada Janaale, gobolka Shabeellaha Hoose — halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa lagu soo waramayaa inay sababi karto khasaaro rayid, inkasta oo aan weli la helin caddeyn rasmi ah ama mas’uuliyad sheegasho ka timid hay’adaha dowladda Soomaaliya. Tan iyo markii ay bilaabatay la-dagaallanka Al-Shabaab, duqeymaha noocan ah ayaa si joogto ah uga dhacayay deegaannada kooxda ay ku xooggan tahay.

Inta badan weerarradan cirka ah waxaa fuliya xulafada caalamiga ah ee taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo door muuqda ku leh weerarrada noocan ah.

Inkasta oo AFRICOM sheegto in ay si qoto dheer u baarto bartilmaameedyada ay beegsaneyso, hadana waxaa horey u dhacay xaalado khaldan oo sababay dhimashada ama dhaawaca dadka aan waxba galabsan.

Tusaale ahaan, 13-kii September, nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa ku dhintay duqeyn Mareykanku fuliyay, iyadoo la sheegay in uu hub u siday kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Hase yeeshee, ehelkiisa ayaa si adag u diiday eedeymahaas, iyagoo sheegay in uu ahaa qof rayid ah, una socday safar shaqsi ah.

Weerarka lagu dilay Cabdi ayaa ka dhacay deegaanka Ji’anyo oo u dhexeeya Elbuh iyo Badhan ee gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa sheegay in uu keligiis saarnaa gaariga la beegsaday, kaasoo gebi ahaanba burburay.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Cabdi uu ahaa “ganacsade hub” u shaqeeya Al-Shabaab. Laakiin qoyskiisa iyo kooxda Al-Shabaab labaduba way beeniyeen sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Dadka dhaliila duqeymahan ayaa su’aalo ka keenay sida AFRICOM u hesho xogta ay ku saleyso weerarrada, iyo sababta aan looga fikirin in lagu qabto qofka la tuhunsan yahay halkii la dili lahaa.

Duqeyntii ugu dambeysay ee Talaadadii dhacday ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Si kastaba, ciidamada Mareykanka, kuwa Midowga Afrika (AUSSOM), iyo kuwa ammaanka gudaha Soomaaliya ayaa si joogto ah u bartilmaameedsada dagaalyahannada Al-Shabaab meelaha la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaali badan oo u socdaalayey Hargeysa oo ku xaniban garoomo caalami ah kadib go'aan kasoo baxay DFS

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in rakaabku maalmo badan ku xanibnaayeen garoomada, kadib markii nidaamka online-ka ee Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    22-10-2025

  • 08:54AM

Ahmed Madobe oo sheegay in sirdoonka Jubaland uu ka sarreeyo NISA

Hadalkan ayaa ku soo aadaya toddobaadyo kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Kismaayo.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 06:34PM