Soomaaliya: Fadeexo ka dhalatay saraakiil tababar loo qaaday oo goosatay

Image
Tababarkan ayaa waxaa martigeliyay Booliska caalamiga ah ee Interpol.

MUQDISHO, Soomaaliya - Walaac xoogan ayaa ka dhashay kadib markii saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya kuwaasoo tababar loogu qaaday Faransiiska ay u goosteen dalal Jarmalka.

Tababarkan ayaa waxaa martigeliyay Booliska caalamiga ah ee Interpol kaas oo xiriirka uu la leeyahay dhigiisa Soomaaliya uu waxyeeleyn karo dhacdadan.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in Hogaanka Interpol uu ku wageliyay booliska Soomaaliya sida uu uga xun yahay falkan ayna abuureyso kalsooni daro culus.

Sikastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo saraakiil ka tirsan Dowlada federaalka ah e Soomaaliya oo tababarkan loogu qaaday Yurub ay baxsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM