Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Image

GAROWE ONLINE – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa iney cirka isku sii shareerto, iyadoo wararka Garowe Online helay ay sheegayaan in xildhibaanada Golaha loo diray fariimo ku wargelinaya in kulanka Baarlamaanka uu dib u furmi doono maalinta Sabtida.

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii uu hareeyey sawaxan iyo is-hortaag ay sameeyeen xildhibaano ka biyo diidan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kuwaasoo dalbanaya in la horkeeno mooshin xil ka qaadis ah.

Warar aan si rasmi ah shaaca looga qaadin  ayaa sidoo kale sheegeya in xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha ay diyaar u yihiin in ay mooshinkooda joojiyaan, haddii uu Guddoomiyahu aqbalo inuu qabto mooshin kale oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, taasoo noqon doonta heshiis siyaasadeed oo labada dhinac ka gaaran muranka taagan. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka berri uu guddoomin doono Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, maadaama Guddoomiye Aadan Madoobe uu safar ugu baxay dalka Aljeeriya, xilli uu jiro muran siyaasadeed gudaha Golaha.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo hal sano oo kaliya ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM