Soomaaliya: Hamse oo Bogaadiyay Ciidamada Puntland ee Dagaalka kula jira Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey ciidammada Dervish ee Puntland oo ku jira howlgallo ay ka wadaan gobollada buuraha ee Bari si ay u baabi’iyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyada ISIS.

Isagoo ku hadlayay magaalada Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Barre ayaa muujiyey diyaar garowga dowladda Federaalka ee taageerada Puntland si loo guuleysto hawlgallada ka dhanka ah ISIS. “Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan taageero kasta oo lagama maarmaan ah si loo hubiyo guusha hawlgallada Puntland ee ka dhanka ah ISIS,” ayuu yiri.

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale hambalyo u dirtay shacabka Puntland ee garab istaagay ciidammada amniga ee ku hawlan howlgallada. Bayaan ay soo saartay wasaaraddu waxay ku aqoonsatay dadaalka iyo dhiigga ay shacabka Puntland u hurayaan hawlgalka, iyadoo tacsi u dirtay qoysaska ciidamada ku naf waayey.

“Dowladdu waxay u ducaynaysaa shahiidkii naftooda u hureen difaaca dalka, dadka iyo diinta. Waxaanu tacsi u diraynaa qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed. Kooxaha Khawaarij ee ISIS iyo Al-Shabaab waa cadowga isku midka ah ee Soomaaliya, waxaana waajib in aan midowno si aan u baabi’ino,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ciidammada Puntland ayaa sheegay in ay ka gaareen guulo waaweyn howlgalladooda, kuwaas oo ay ku dileen maleeshiyo badan oo ka tirsan ISIS.

Isniintii, maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey in ay dileen xubno ka tirsan ISIS iyo in ay qabteen siddeed saldhig oo argagixiso ah intii lagu guda jiray hawlgallada ka dhacay buuraha Al-Miskat ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM