Soomaaliya: Howlgal Military oo ka billowday Bakool

Image

XUDUR, Soomaaliya - Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka iyo AMISOM ayaa howlgal wadajir ah waxay ka billaabeen deegaano ku yaalla gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Maclin Axmed, oo dhawaan dib loo doortey kadib doorashada ay codeeyeen Gollaha deegaanka ayaa sheegay in aysan suurta-gal ahayn in horumar uu gaaro gobolka inta Al shabaab ay maamulayso deegaanada isku xira degmooyinka.

Wuxuu xusay in Howlgalka billowday uu uu yahay mid la isagu furi doono dhamaan degmooyinka, islamarkana meesha looga saari doono Al shabaab, oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku yihiin nolosha shacabka.

Hadalka Gudoomiyaha wuxuu kusoo beegmayaa, iyadoo dhawaan dagaallo ay ka dhaceen deegaanno ku dhaw Xudur, oo uu kamid yahay Deegaanka Abal, oo ah meesha ay ku sugan yihiin Malleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur."

Al Shabaab ayaa isku dayaysa inay baabi'iso Kooxda daacada u ah Roobow, oo wararku ay sheegayaan in la hubaysanayo, si ay uga qeyb noqdaan howlgallada lagu sifeynayo gobollada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM