Carro ka dhalatay isu-jiibinta Madoobe iyo Mukhtaar Rooboow

Image
Hadalka labada mas'uul kadib ayaa maleyshiyada Al-Shabaab weerar is-miidaamin ah la beegsatey dad shacabka ah

MOGADISHU, Soomaaliya - Axmed Maxamed Islaam iyo Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka wada tirsanaan jirey ururka Al-Shabaab ayaa dhowaan meel fagaaro ah isku weeydaarsaday hadalo, waxaana ka mid ahaa hadal uu Mukhtaar Rooboow ku sheegay in Axmed Madoobe uu mar ahaa ‘Amiirkiis’, darajada madaxnimada ee Al-Shabaab ay adeegsadaan.

Arrintan ayaa kala qeybisay ra’yida dadka, iyada oo dadka qaar oo warbaahinta ka hadlay ay tusaale usoo qaateen in raggii shalay shacabka badan ku laayay meelo kala duwan dalka ay maanta ka midyihiin madaxda ugu saraysa.

“Dadkii dadka laynayay ayaa hadda madax ah, marka kuwa maanta dadka laynaya beri haddii ay xil soo doontaan waa la siinayaa” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka Muqdisho oo warbaahinta ka hadlay isagoo ku sugan goobta qaraxu ka dhacey. 

Rag badan oo horey xilal sarsare uga hayay Alshabaab, mas’uulna ka ahaa weeraro dad badani ku hoobteen ayaa hadda xilal kala duwan ka haya dowladda, gaar ahaan siyaasadda iyo amniga.

Waxaa ugu dambeeyay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo bilo ka hor laga dhigay wasiir ka tirsan dowladda federaalka.

Hadalka labada mas'uul kadib ayaa maleyshiyada Al-Shabaab weerar is-miidaamin ah la beegsatey dad shacabka ah ee ku sugan isgoyska Soobe magaalada Muqdisho. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintey dad kor u dhaafaya 120 qof halka dhaawacyada noqdeen 500- oo qof. 

Dalka Soomaaliya ayaa kooxaha argagixisada weeraro argagax leh la beegsanayeen shacabka, shaqaalaha dowlada, ciidamada amniga, culimada iyo waxgaradka kale muddo Lix iyo Toban sano ah. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM