Soomaaliya: Itoobiya lama gelin heshiis maxaabiis isu dhiibid ah

Image
Dhawaqa ayaa daba socda go'aanka liiska argagixisada looga saarey jabhadda ONLF.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Axada maanta ah gaashaanka ku dhufatay in uu jiro heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo la xiriira is-dhaafsiga maxaabiista.

Dhawaqan ayaa qeyb ka ahaa go'aan golaha wasiiradda ay liiska argagixisada uga saareen jabhadda ONLF ayna "sharci darro" ugu aqoonsadeen dhiibidii Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax.

Qaraarka burinta ayaa lagu caddeeyay "in Qalbi-dhax ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin".

Si lamid ah, qaraarka ayaa lagu caddeeyay in bari-yeelida ONLG loo cuskadey "in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo".

Sidoo kale, waxaa go'aanka burida loo daliishay qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah: 1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ; 2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed.

Qalbi-dhagax oo laga soo qabtey magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta ay maamusho Galmudug ayaa maalmo ku qaatay xabsiga Godka Jilicow kahor inta aan 28-dii August, 2017 loo dhoofin dalka Itoobiya.

Kiiskan ayaa wuxuu kamid yahay qadiyado kale oo bar-madow ku noqdey maamulka muddo xileedkiisu idlaadey ee Farmaajo isla markaana saameyn weyn ku yeelan doona damaciisa in uu mar kale soo laabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM