Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo is-afgarad gaarey

Image

ABU DHABI, UAE - Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixdey is-afgarad ku saabsan in ay iska kaashadaan is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka lacag dhaqida, iyo la dirirka maalgelinta argagixisadda.

Is-fahamka waxaa qalinka ku duugay Aamina Cali, agaasimaha Xafiiska Warbixinada Maaliyada Soomaaliya, iyo Cali Faisal Ba’Alawi, madaxa waaxda sirdoonka maaliyada ee Imaaraadka.

Warbixinta heshiiskan waxaa faafisay wakaaladda wararka u faafisa Imaaraadka ee loo garan ogyahay WAM taasoo ku daabacdey barta ay ku leedahay internet-ka iyo ciwaanada baraha bulshada.

Isla heshiiskan noocaan oo kale ay ayuu Imaaraadka la galay Bangladesh, sida ku xusan warbixinta oo aan lagu soo bandhigin aragtida labada dowladood kale ay ka qabaan is-fahamkan.

"Heshiisyadan aan la galeyno FRC ee Soomaaliya iyo Bangladesh FIU waxay dib u soo celinayaan dadaalkeenna si aan u fududeyno isweydaarsiga aqoonta iyo khibradda adag ee dhinacyada la-dagaallanka lacagta la dhaqay iyo la dagaallanka maalgelinta argagixisada, oo ay weheliyaan madaxda unugyada sirdoonka caalamiga ah," ayuu yiri Ba'Alawi.

Dhanka kale, Danjiraha Imaaraadka, Ahmed Othman Al Hammadi , iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo ku kulmay Muqdisho ayaa "kawada hadlay ammaanka, xasiloonida iyo qodobo kale oo ku saabsan danaha guud".

Tan iyo markii xafiiska uu yimid Farmaajo, cilaaqaadka Abu Dhabi iyo Muqdisho ayaa ahaa mid aanan hagaagsaneyn iyaddoo dowlada hadda waqtiga ka dhacay si weyn ugu dhaweyd dhigeeda Carbeed ee Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM