Soomaaliya iyo Itoobiya oo Ku Heshiiyay Dib-usoo-celinta Xiriirka Diblumaasiyadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib bilo xiisado diblumaasiyadeed ah, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyeen inay dib u furaan xafiisyadooda diblumaasiyadeed, taas oo xaqiijineysa iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn, si loo horumariyo gobolka Geeska Afrika.

Xiisadda diblumaasiyadeed ayaa la xaliyay dhammaadka toddobaadkan, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, toddobaadyo kadib heshiiskii caanka noqday ee Ankara. Turkiga ayaa dhex-dhexaadiyay wada-hadallada labada dal.

Soomaaliya ayaa xiratay safaaraddeedii Addis Ababa, iyadoo dib ugu yeeratay safiirkeeda halka ay sidoo kale ku dhawaaqday in safiirka Itoobiya ee Muqdisho uu yahay “shakhsi aan la aqbali karin”. Hase yeeshee, Sabtidii, Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in xiriirka diblumaasiyadeed dib loo soo celiyo.

“Waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo horumariyaan xiriirkooda laba-geesoodka ah iyagoo si buuxda u matalaya caasimadahooda,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay kulanka.

Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in safaaradahooda ku matalaya hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha danaha guud, sida lagu daray bayaanka.

Xiisadda u dhaxaysay labada dal ayaa ka dhalatay heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo u ogolaanayay Itoobiya inay hesho marin biyoodka Badda Cas iyada oo ku beddelaneysa aqoonsi madax-bannaani ah oo loo fidiyo Somaliland. Arrintan ayaa caro gelisay Muqdisho, taas oo keentay khilaaf xooggan.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in arinta ugu wayn ee Xasan Sheekh u booqday Itoobiya ayaa ah in uu soo xiro xiriirka maamul Goboleedyada qaar la yeelanayaan xukuumadda Abiy Axmed, maadaama Villa Somalia xiisad kala dhaxayso Puntland iyo Jubaland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhexdhexaadiyay wadaxaajoodka adag, taas oo horseeday heshiiskii Ankara, oo ay dhammaan dhinacyadu isku raaceen. Itoobiya weli waxay heli doontaa marin biyoodka Badda Cas laakiin kaliya iyada oo lagu saleynayo faa'iido wadajir ah.

Guddiyada farsamada ee diyaarinaya faahfaahinta heshiiska ayaa wali ku hawlan dhameystirkiisa, waxaana la filayaa in natiijada kama dambaysta ah la shaaciyo dhamaadka bishan. Itoobiya oo ah dal aan lahayn xeeb ayaa muddo dheer ku dadaalaysay inay hesho marin biyood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM