Soomaaliya iyo Malaysia oo ka shiray xoojinta iskaashiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Malaysia ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ruzaimi Bin Mohamad, intii lagu jiray bandhigga Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Malaysia, iyadoo diiradda lagu saaray danaha guud sida ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta labada dal.

Labada masuul ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kor u qaadaya koboca iyo faa’iidooyinka labada Wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM