Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixdey heshiis ku kacaya $68.5 Milyan

Image
Heshiiskan ayaa abuuraya xasilooni iyo horumar ka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka Magaalooyinka iyo Miyiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Maalgashiga Maxamuud Cabdiraxmaan BeeneBeene iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u saxiixeen heshiis ah Deeq Horumarineed ah oo ka timid Hey’adda USAID oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 68.5 Milyan oo Doolar oo wax looga qabanayo arrimaha horumarinta deegaanada dhawaan laga saaray argagixisada.

Munaasabad kooban oo saxiix ah kadib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Wasiirada Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Qosheynta Qaranka Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan BeeneBeene ayaa mahadcelin kadib, waxa uu hoosta ka xariiqay in lacagtaan deeqda ah inteeda badan Dowladdu ay u adeegsan doonto horumarinta arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaamul-Wanaagga deegaanada Dowladdu ka xureysay cadawga argagixisada ah, Wasiir BeeneBeene ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Dowladdu hubindoonto in dhaqaalahaan uu ku baxay halkii saxnayd iyo ciddii mudnayd.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo isna dhankiisa u mahadceliyay Hey’adda USAID ayaa sheegay in deeqdani ay tahay Cashuurta ay bixiyaan shacabka Mareykanka, si taa la mid ah ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta si looga maarmo kaalmada dibada ka timaado.

Catie Lott oo ah madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaan uu ka turjumayo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay jeclaan laheyd arkidda natiijada wanaagsan ee ka dhalaya deeqda ay bixiyeen deegaanada lagu maalgaliyo.

Heshiiskaan ay maanta wada saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa abuuraya xasilooni iyo horumar ka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka Magaalooyinka iyo Miyiga oo la hormarinayo adeegyadooda aasaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM