Soomaaliya iyo Mareykanka oo laba jibaaraya cadaadiska Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo ay wali Al-Shabaab tahay khatarta ugu weyn ee amniga dalka, dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa is-afgarad cusub waxay ka gaareen gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.

Is-fahamkan ayaa wuxuu yimid markii ay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ay isbuucii hore ku kulmeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo hogaanka cusub ee taliska Mareykanka ee Afrika, Stephen J Townsend.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed ay AFRICOM kasoo saartay kulankaasi, Khayre iyo Waldhauser ayaa waxay isku raaceen in la xoojiyo cadaadiska ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Bayaanka oo uu arkay Garowe Online ayaa nan lagu caddeynin nooca uu noqonayo cadaadiskaasi, balse Washington ayaa gobolada wadanka ka fulisa howlgalo isugu jira cirka iyo dhulka.

"Cadaadiskan ayaa wuxuu abuurayaa xaaladdo iyo fursad horseedaysa horumar dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha ah," ayuu Townsend yiri.

Townsend oo bedelaya Thomas Waldhauser kaasi oo howlgab noqday ayaa wuxuu noqonaya taliyihii 55aad ee soo mara howlgalka AFRICOM.

"Ciribtirka awooda argagixisadda waxay abuureysaa in gobolka uu noqdo mid ammaan ah. Tani waxay muhiim u tahay shaqadeena Soomaaliya, dalkeena iyo xulufadeena," ayuu ku daray.

Jeneraalka ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in hadafka Mareykanku yahay in labada sano ee soo aadan ay laamaha amaanka Soomaaliya shaqada kala wareegan.

"Waan maal-gelin doonaa xulufadeena, waxaan ku bixin doonaa waqti, tamar, wayna naga go’an tahay in aan u diyaar-garownay caqabad kasta," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliyaha.

Soomaaliya oo sanadka 2021-22 isku diyaarineysa doorasho qof iyo cod ah ayaa caqabadaha ku hor-gudban waxaa lagu sheegay in ay kamid tahay amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM