Soomaaliya iyo Norway oo ka arrinsadey xaalada Geeska Afrika

Image
Wasiiradda arrimaha dibadda labada dal ayaa yeeshay wadaxaajood dhanka telefoonka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa, Norway Marwo Anniken Huitfeldt.

Cabdisaciid Muuse Cali ayaa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuu Huitfeldt "kala hadlay adkeynta xiriirka laba geesoodka ah ee labadda dal".

Sida laga soo xigtey bayaanka, wadaxaajoodka waxaa qeyb ka ahaa "horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha Labada Dal".

"Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowladood," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

"Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaankan lagu faafiyey ciwaanka wasaarada ee Facebook-ga.

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhexda uga jirto doorashooyinka heer federaal kuwaasoo ugu yaraan hal sano dib uga dhacay waqtiga saxda ah ee dastuurka ku cad.

Norway ayaa kamid ah daneeyeyaasha ugu waaweyn ee arrimaha Soomaaliya kuwaasoo dhowr jeer adkeeyay dardargelinta doorashooyinka iyo adkeynta ka hortagga fal kasta oo horseedi kara in lagu murmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM