Soomaaliya iyo Qadar oo ka shiray “ajendaha ay ka mideysan yihiin”

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa la falanqeeyay xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa lagu gorfeeyay mowduucyada muhiimka ah ee labada dal ka wada siman yihiin, waxaana la isweydaarsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Xamza Aadan Xaadow, iyo agaasimaha waaxda arrimaha Carabta, Mudane Maxamed Xasan Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM