Soomaaliya iyo Qadar oo ka shiray “ajendaha ay ka mideysan yihiin”

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa la falanqeeyay xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa lagu gorfeeyay mowduucyada muhiimka ah ee labada dal ka wada siman yihiin, waxaana la isweydaarsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Xamza Aadan Xaadow, iyo agaasimaha waaxda arrimaha Carabta, Mudane Maxamed Xasan Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM