Soomaaliya iyo Rwanda oo heshiis kala saxiixday

Image
Heshiiskaan ka dambeeyay ka dib wada hadalo dhowr wareeg ah oo ay yeesheen labada Wasiir

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday dhiggiisa dalka Rwanda Vincent Biruta.

Is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Rwanda ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya heshiiskaan ayaa dhinac socday shirweynaha Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

“Saxiixa Heshiiskan is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Heshiiskaan ka dambeeyay ka dib wada hadalo dhowr wareeg ah oo ay yeesheen labada Wasiir uguna wada hadaleen xirriirka labada dale e dhaca qaarada Afrika.

Rwanda ayaa ka mid ah dowladaha ugu muhiimsan Afrika ee looga dayan karo dib u dhiska dal burburay ama dirir sokeeye ay ka socoto, maadaama dalkaas uu hadda si buuxda uga soo kabtay qaran-jab xoog leh oo ku dhacay, kadib markii ay is laayeen qoymiyadaha Rwandeyska ah ee ku wada nool dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM