Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka shiray dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha

Image
Kulanka labada wasiir ayaa waxa uu ka dhacay waddanka Algeria.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Algeria kaga qeyb galaya shirka Wasiirada Howlaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa shir gaar ah la yeeshay Wasiirka Howlaha Guud ee Dalka Shiinaha Ni Hong oo ka qeyb ka ah shirkaas.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan dhanka dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, inta uu shirka socday wasiir Xeyd ayaa sidoo kale la wadaagay Wasiirka in Soomaaliya uu ka jiro xaalad soo kabasho oo dhanka dhismaha ah, Dowladda shiinahana looga baahanyahay in ay qabteeda ka qaadato.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Dalka Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in labada Wasaaradood ee Soomaaliya iyo Shiinaha ay kor u qaadi doonaan xiriirka & iskaashiga dhanka Dhismaha, Dhib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Aqoon iswaydaarsiga iyo maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM