Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka shiray xoojinta wadashaqeynta

Image
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga saaxiibtinimada labada aqal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Wang Yu oo guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo isbarasho, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga saaxiibtinimada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Shiinaha Ibraahim Awgaab Cismaan iyo xoghaya guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM