Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Image
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay, waxaana ay isla garteen in la sii xoojiyo wada shaqeynta Garsoorka ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Wang ayaa yiri: "Waxaan wadahadal dhiirigelin ah la yeeshay guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed oo ku saabsanaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga garsoorka ee labada dal".

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM