Soomaaliya iyo Turkiga oo is-weedaarsaday dhulka safaraadaha

Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey - Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ay isku weedaar-sadeen dhulka safaaradaha labada dal ay ku kala leeyihiin caasimadaha labada dowladood.

Heshiiskaan waxaa u kala saxiixay labada wadan, wasiirada arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad iyo dhigiisa Mevlüt Çavuşoğlu.

Munaasabada qalinka loogu jiiday heshiiskaasi ayaa ka dhacday magaaladda Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga, shalay oo Jimce ahayd.

Sidda ku cad qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada xukuumada federaalka, heshiiskaan ayaa lagu saleeyay "cadooyinka diblumaasiyadda".

Dhismaha safaraada Turkiga ku leeyahay Muqdisho oo ah tan ugu balaaran ee caalamka oo idil ayaa si rasmi ah loo daah-furay sanadkii 2016-kii.

Badka dhulka safaarada Turkiga ee magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika kaasoo 80,000 KM isku wareeg ah ayaa ku yaalla degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho.

Bishii Maaj 2018-kii ayay ahayd markii Soomaaliya si rasmi ah loogu wareejiyay dhulka safaaradeeda magaaladda Ankara.

Dhulkaasi oo balaciisa gaaraya 5000 KM isku wareeg ah ayaa ku yaalla xaafadda Incek ee magaala madaxda dowladda Turkiga.

Tani ayaa ka dhigan inaanu isku dhigmin badka dhulalka labada saafaradood, waxayna kamid tahay su'aallo badan oo ka dhashay arrintaan.

Sidda ku cad qiimayn uu sameeyay machadka Heritage, Turkiga ayaa kamid ah dalalka cilaaqaadka ay la leeyihiin Soomaaliya uu hoos u dhacay inta uu jiro hogaanka Madaxwayne Farmaajo. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM