Qiimaynta Heritage ee hogaanka Farmaajo: Fashil amni iyo luminta xulufo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa qiimayn xog-ogaalnimo ah ku sameeyay hogaanka Madaxwayne Farmaajo ee labo sano jir-saday.

Qiimaynta ayaa lagu saleeyay waxa ka fulay iyo waxa aan ka dhaqan gelin balan-qaayadii Madaxwaynaha intii uu ol'olaha ku jiray iyo kadib doorashadiisa 8-dii Febraayo 2017.

Balanqaayada ayaa ahaa; sugida amniga, xasillooni siyaasadeed, kobcinta dhaqaalaha, ciribtirka musuqa-maasuqa iyo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa.

Qodobadaasi ayuu madaxwaynuhu wacad ku maray in uu fulinayo labaduba - xilligii doorashada iyo shirkii arrimaha Soomaaliya ee lagu qabtay magaaladda London.

- Maxaa u qabsoomay? -

Guulaha ay gaartay Dowladda Farmaajo uu madaxweynaha ka yahay ayaa ah kuwa iska kooban marka lala barbardhigo guuldarooyinkooda, sida uu sheegay machadka.

Ugu horeyn, sida ku cad daraasada waxay guulo wax ku ool ah kasoo gaareen dayn cafinta, wadahadalka hay’addaha lacagta dunida iyo kasbashada kalsoonida shacabka.

"In kastoo bururkii 'Ar Farmaajo Iigeeya' uu si cad u yaraaday, haddana, sidaas oo ay tahay, xukuumaddu weli taageero mug leh ayay shacabka ka haysataa, kuwaas oo aaminsan in Madaxweynuhu niyad-wanaagsan yahay, haba ka gaabiyo hirgelinta hadafkiisee," ayaa lagu yiri qiimaynta.

- Maxay ku fashilmeen madaxda Villa Somalia?  -

Farmaajo ayaa intii uu kursiga u baratamayay wuxuu balanqaaday in uu Al-Shabaab dalka uga saarayo muddo labo sano ah, hasayeeshee, taasi wuu ku fashilmay, waxaase xumaaday amnigii xili ay ciidamadu ka cabanayaan mushahar la’aan islamarkaana qarkooda billaabey inay difaacyada kasoo baxaan.

"Taa iska daaye, waxuu ku guuldaraystay in uu hirgeliyo ballan-qaadkiisii ahaa, in uu furayo jidadka Muqdisho, oo in badani ay si joogto ah, u xiran yihiin, kuwa kalena ay xirnaantoodu, soo noq-noqoto," ayaa lagu xusay warbixinta.

Intii ay joogtay Xukuumadda, jahwareer iyo is-qab-qabsi u dhaxeeya iyada iyo maamul goboleedyada, madaxtooyada iyo gudoonka gollaha shacabka ayaa dhowr jeer soo laabtay, taasoo dharbaaxo ku ah balankii Farmaajo ee xasillooni siyaasadeed.

"Si awood sheegasho ah, xilka qaadistii guddoomiyihii baaarlamaanka iyo kii maxkamadda sare, waxay noqotay talaabo ka yaabisay xitaa taageerayaasha madaxweynaha," ayuu Machadu ku daray.

Xukuumadda oo kaliya labo sano uu uga harsan yahay mudada xileedka wali ma aysan dhameystirin dastuurka, ma aysan caddeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa 2020-ka xili lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka.

Siyaasadda arrimaha dibada dowladda ayaa noqotay mid daciif ah oo go’aan aan laga fiirsan laga qaato, taasoo ay Soomaaliya ku weysay saaxiibo badan iyo xulufo soo jireen ah, kuwaasi oo haatan hal lug kula jira dalka.

"Saaxiibada dhow ee Soomaaliya, waxay noqdeen dalal faro ku tiris [labadii sano ee lasoo dhaafay]," ayaa lagu yiri qiimeynta Heritage ee hogaanka Farmaajo inta uu talada dalka hayo.

Mid kamid ah xulufada muhiimka ah oo uu lumiyay hogaanka Farmaajo waxaa kamid ah Imaaraadka, taasoo ka dambeysay markii khilaafka Khaliijka ay la safatay si hoose Qadar.

Xukuumada waxay ku oor-kacsataa in ay ku shaqeyso daahfurnaan ayna la dagaalameyso wax is-dabamarinta, balse calaamad su’aalo wayn ayaa dul-saaran lacago qaab daahsoon kaga yimaada Qadar.

"Waxaaba la oran karaa, guud ahaan Soomaaliya, musuq-maasuqu ma xakamaysna, ee waa xarga-goostay, laaluushkuna wuxuu noqday furaha lagu kasbado xildhibaanada, doorashadana loo maro," ayuu raaciyay machadka.

Xorriyada hadalka labaduba – saxaafada iyo siyaasiyiinta mucaaradka – ayay dowladda si ula kac ah ugu tumatay, waxayna xubnaha ka aragtida duwan u adeegsatay ciidamada amniga, kuwaasi oo cagajugleyn iyo juub-juub isugu dara.

"Xukuumadda waxay argagixiso ku sheegeen muwaadin, una gacan gelisay Itoobiya. Madaxweynaha ayaaba, dhawaan, ku dhiiraday, in saxaafadda madaxa bannaan oo dowladdiisa dhaliisha uu ku tilmaamo, kuwa baahiya colaadaha," ayuu yiri Machadka

- Muranka xaraashka shidaalka  -

Tani ayaa soo ifbaxday markii ay xukuumada bishii Febraayo ku qabatay magaalada London, caasimada UK, shir looga hadlay shidaalka Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in lagu xaraashayey xirmoon Gaas iyo Saliid ah.

Inkastoo hadal-heynta arrintaan ay cirka isku sii shareertay, hadana xukuumada waxay u muuqataa mid is difaacaysa go'aankeeda, balse lagu eedeeyay inay runta ka qarineyso shacabka, maadaama wali aanan laga haynin war sugan.

"Mashruuca shidaalka waxa uu noqday bar-madow oo dul saran sumcadda xukuumadda Farmaajo, taas oo laga rabey in ay noqoto waardiyaha khayraadka dalka, 'wax kasta waa okay-da' madaxweyne Faramaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre," ayaa lagu yiri qiimaynta.

Machadka ayaa tallo ahaan ugu jeediyay xukuumada in ay aad uga taxadirto qandaraas walba oo ku saabsan soo saarista shidaal, wuxuuna ku tartarsiiyay in ay ka fogaato "siyaasadda danaysiga".

Mudada labada sano ah, arrimaha layaabka leh ee laga diiwaan-geliyay Xukuumadda waxaa qayb ka ah in heshiis kalluun ay la gashay shirkado laga leeyahay Shiinaha, kaasi oo kaliya ay Soomaaliya ku helayso aduun lacageed dhan hal milyan oo dollar.

"Halka milyan oo dollar ee la yiri, dowladda ayaa helaysa, wuxuu u eg yahay san-dareerto, marka loo barbardhigo, kaluunka ay gurayaan shirkadda Shiinayska ah," ayaa laga soo xigtay warbixinta machadka Heritage.

- Fursadaha horyaalla hogaanka Farmaajo -

Sida ku cad daraasada Heritage, Madaxwayne Farmaajo waxaa horyaalla fursado badan oo hadii uu ku dhaqaaqo labada sano ee u hartay ku heli karo sumcad ka badan inta uu haatan haysto.

Marka laga hadlo xiriirka xumaaday ee maamul goboleedyadda, waxa uu machadku Kula taliyay in uu shirka soo aadan ee Garowe ka qabsoomayo kaga faa’ideysto Farmaajo sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen.

"Kuwa madaxweynaha kula talinaya in isku-tanasulku aanu isaga dan u ahayn ama ay wiiqayso, waxay u horseedayaan oo kaliya, in uu fashilmo," ayuu ka digay machadka.

Heritage ayaa ku boorisay hogaanka Farmaajo in uu bedalo hab-dhaqanka fara-ku-taag-taaga mucaaradka iyo warbaahinta xorta taasoo Xukuumadda ay ku caan baxday labadii sano ee lasoo dhaafay.

"In dowladdu sii waddo fara-ku-fiiqfiiqa mucaaradka iyo guul-guul-ka saxaafadda xorta ah iyo bulshada rayidka mahan oo kaliya mid faa’iido la’aan ah, waxayse ku dhammaanaysaa oo keliya wadda isa soo xiraysa," ayaa machadku ku daray.

Amniga wuxuu bud-dhig u ahaa qorshaha ol'olaha Farmaajo, balse aanu ka gaarin wax guul ah, si uu ugu yaraan wax uga qabto waxa uu machadku soo jeediyay in dib loo yag-yeelo golihii amniga Qaranka si loogu dejiyo qorshihii lagu dabar jari lahaa Al-Shabaab.

Doorashada 2020-ka shaki ayaa ku jira in ay noqoneyso qof iyo cod, maxaa yeelay amniga oo sii xumaanaya, balse dhisitaanka Gollaha Amniga Qaranka waxaa loo arkaa mid dhalin karta in ugu yaraan loo dhawaado, sida qiimaynta lagu sheegay.

Sida ku xusan faalada Heritage, Hadii ay dhici waydo doorasho qof iyo cod, amnigana uu sidaan kasii daro, waxay dharbaaxo kulul ku noqonaysa in uu Farmaajo mar kale tartamo.

Dib u yag-leelida Gollaha Amniga Qaranka kaliya ma horseedeyso in amaan la helo sidoo kale waxay keeni kareysaa in la helo hanaan dib-u-heshiisiin oo la isku helayn karo, sida ku cad maqaalka.

Xiriirka Soomaaliya iyo caalamka mad-madow ayaa soo galay, taasoo qayb ka ah fashilka siyaasada arrimaha dibada hogaanka Farmaajo, balse wuxuu machadku ku waaniyay Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay u hagaajin lahayd.

"Madaxweynuhu waa in uu maanka ku hayo in aan qaranka lagu dhisi karin, meel soke oo wax laga eego iyo fursado waqti kooban oo markaas surin looga baxayo," ayaa lagu yiri qiimeynta machadka.

Ugu dambeyntii, waxaa loosoo jeediyay Farmaajo iyo Xukuumadda Khayre in aysan marnaba gor-gortan ka gelin kheyraadka ay dhaxal ahaanka u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taasoo ah wax ay shacabka go’aan ka gaari karaan.

Maxkamada cadaalada aduunka ICJ oo haatan ay hortaallo kiis ku saabsan damaca Kenya kaga jira shidaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in xukun laga soo saaro horaanta sanadka 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM