Soomaaliya iyo Yemen oo ka shiray adkeynta xiriirka ka dhaxeeya

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi.

NEW YORK, USA - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi.

Kulan doceedka ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa waxay uga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas.

Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen, iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen.

Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurtagelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM