Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenkii Jubaland oo geeriyoodey

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, bulshada Jubaland, iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed kaddib geerida Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Jubaland, Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud [Lugadheere], oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad lagula tacaalayay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa marxuumka ku tilmaamay halyey door muuqda ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isaga oo noloshiisa u huray midnimada, wadajirka iyo horumarka bulshada.

"Marxuumku wuxuu ahaa masuul ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, mar walbana dadaal ugu jiray in uu dadka isu keeno," ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu dambayn Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM