Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenkii Jubaland oo geeriyoodey

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, bulshada Jubaland, iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed kaddib geerida Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Jubaland, Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud [Lugadheere], oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad lagula tacaalayay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa marxuumka ku tilmaamay halyey door muuqda ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isaga oo noloshiisa u huray midnimada, wadajirka iyo horumarka bulshada.

"Marxuumku wuxuu ahaa masuul ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, mar walbana dadaal ugu jiray in uu dadka isu keeno," ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu dambayn Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM