Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo shir saddex geesood ah uga bilowdey Asmara

Image
Dhismaha isbaheysigan ayaa kusoo aadaya yadda oo saddexda dal uu mid kasta khilaaf gooni ah kala dhaxeeyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa shir saddex-geesood ah waxa uu uga bilowday magaalada Asmara.

Kulankan kadib ayaa waxaa la filayaa in ay ku sameysteen isbaheysi dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo diblumaasiyadda ah.

Dhismaha isbaheysigan ayaa kusoo aadaya yadda oo saddexda dal uu mid kasta khilaaf gooni ah kala dhaxeeyo Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku-haya qaddiyada Somaliland. Itoobiya iyo Masar ayaa isku haya webiga Nile. Eritrea iyo Itoobiya ayaa wali loolankooda daaha gadaashiisa yahay.

Sanadkii 2018-kii, Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa isku-dhinac ahaa iyadda oo go’doomiyey Masar.

Is-xulafeysiga cusub looga dhawaaqi doono Asmara ayaa la filayaa inuu wax badan ka badali dono siyaasadda Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa isbaheysigan la filayaa inuu jaangooyo howlgalka cusub ee Soomaaliya ee badali dojono Taliska ATMIS.

Soomaaliya ayaa dooneysa in howlgalkaas cusub laga saaro Itoobiya balse waxaa kasoo horjeeda Uganda iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkad Ku Xiran Villa Somalia oo Lagu Eedeeyay Heshiis Dhaqaale oo Muran Dhaliyay

Faa’iidooyinka kale waxaa ka mid ah ciqaabaha iyo ganaaxyada la xiriira deganaanshaha sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:04AM

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM