Soomaaliya: Muxuu Farmaajo uga qeybgali waayay shirka Kismaayo?

Image

MUQDISHO — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuusan ka qeybgalin shirka siyaasadeed ee berri ka furmaya magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ka tirsan Golaha Shacabka isla markaana ka tirsan madasha samatabixinta, ayaa sheegay in Farmaajo taageersan yahay ujeeddooyinka shirka balse aanu qeyb ka ahayn madasha qabanqaabisay, taasoo ah sababta maqnaanshihiisa.

“Farmaajo waa la soo dhaweynayaa inuu ka soo qayb galo, laakiin ma aha qayb ka mid ah madasha qabanqaabisa shirka,” ayuu Xidig yiri, isagoo meesha ka saaray in khilaaf siyaasadeed uu sabab u yahay maqnaanshihiisa.

Shirka Kismaayo ayaa la filayaa inuu isu keeno hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo wufuud ka socota dowlad-goboleedyada si looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka 2026, dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga qaran.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey uga digay dib-u-dhac ku yimaada hanaanka doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dib u dhigto dhisidda hay’adaha muhiimka ah sida Maxkamadda Dastuuriga iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

In kasta oo Farmaajo aanu ka qeybgalin shirka, haddana kulankan ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo mucaaradka ay ku mideyn karaan aragtidooda siyaasadeed isla markaana ku diyaarin karaan doorashada soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM