Soomaaliya oo Algeria uga qeybgashay tababar la xiriira Golaha Ammaanka

Image
Xubinnimada aan joogtada ahayn Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bilaabanaysa Janaayo 2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka qeyb galay Shirka 11-aad ee Nabadda iyo Amniga Afrika.

Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa intii uu socday shirka waxaa uu kulan laba geesood ah la qaatay Axmed Attaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Jaaliyadaha dibadda, iyo arrimaha Afrika.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha Gobolka, iyo sidoo kale u diyaar garowga Soomaaliya ee xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo la filayo inuu bilowdo Janaayo 2025.

Kulanka ayaa waxaa lagu bogaadiyay sumcadda sii kordheysa ee Soomaaliya ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda, Amniga, iyo iskaashiga Arrimaha Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM