Soomaaliya oo balanqaad cusub u sameysay Kuwait

Image
Image
Image
Image
Mas'uuliyiin sar-sare oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ku kulmay magaalada Kuwait City.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, ayaa ka qayb galaya Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Dalka kuwait.

Beekoos ayaa shirkaas kadib wuxuu kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Ahmed Nasser Mohammed Al-sabah, sida ay sheegtay wasaaradda.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga qotadadheer ee ka dhexeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Sida laga soo xigtey bayaan kasoo baxay wasaaradda, cilaaqaadka labada waddan ayaa "taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada".

Wasiir Maxamuud ayaa "la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go'antay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesoodka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM