Soomaaliya oo beenisay warar laga faafiyey xiriirka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya ayaa Talaadadii wuxuu beeniyay warar ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta oo la xiriiriyey xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Jabuuti.

Muqdisho ayaa dabcisay cilaaqaadka Jabuuti kadib markii warbixin ay diyaariyeen kooxdii IGAD ee ay hogaamineysay Jabuuti lagu caddeeyay in Kenya aysan ku xadgudbin midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa gaashaanka wuxuu ku dhuftay wararka ku saabsan in Muqdisho ay goysay xiriirka Jabuuti kadib xiisada ka dhalatay warbixintaas oo si ba'an u dhib-sadey taliska Farmaajo.

Maxamuud ayaa ku nuux-nuux-saday in Soomaaliya ay weli xiriir wanaagsan la leedahay Jabuuti laakiin wuxuu sheegay inay diiwaan-geliyeen diidmadooda adag ee ka dhanka ah warbixintii Febraayo.

“Jabuuti ahaan, waxaan nahay laba dal oo walaalo ah, waxaana wada nahay Soomaali, marka ma jiro wax cilad ah oo naga dhexeeya xiriirkeena diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Maxamed. "Soomaaliya waxay ka qaybgashay caleema-saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle."

Bishii Janaayo, Soomaaliya waxay dhaleeceysay natiijooyinka guddiga xaqiiqo raadinta ee IGAD, iyadoo sheegtay inaysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in Kenya ay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhigeeda Kenya in ay taageerto "maleyshiyaad ku sugan xuduudka". Kenya way iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay inay dooneyso in khilaafka loo helo xal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM