Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Image

MUQDISHU, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqasho uu Somaliland ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Gideon Saar, taas oo ay ku tilmaantay mid aan sharciyad lahayn isla markaana si toos ah u dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi tahay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana jebinaysa xeerarka iyo mabaa’diida caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraamka dalalka iyo faragelin la’aanta.

Soomaaliya waxay hoosta ka xarriiqday in Somaliland ay ka mid tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna tahay qayb aan la kala saari karin oo ka tirsan qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa caddeysay in xiriir, booqasho, ama hawl rasmi ah oo laga fuliyo dhulka Soomaaliya, iyada oo aan oggolaansho rasmi ah laga helin dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ay tahay mid sharci-darro ah, wax saameyn sharci ahna aan lahayn.

Ugu dambayn, Soomaaliya waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah in ay si cad oo aan mugdi ku jirin u muujiyaan taageeradooda madax-bannaanida, midnimada, iyo xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM