Soomaaliya oo dabagaleysa qaraar horyaalla Golaha Ammaanka UN-ka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirada Soomaaliya oo kulankoodii Khamiislaha ku yeeshay Muqdisho ayaa dood adag ka yeeshay qaraar tirsigiisu yahay 1267 ee hor-yaalla golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Inkastoo uusan bixin tafaasiil dheeraad ah, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Maareeye, oo nuxurka shirka u mariyey warbaahinta ayaa shaaciyey in qaraarkaasi uu saameynayo dhaqaalaha dalka.

Isaga oo carabkiisa ka dhowraya in ay ka dusaan macluumaadyo dheeri ah, Maareeya ayaa muujiyay in qaraarkaasi uu quseeyo dhinaca la dagaalanka wax loogu yeero "argagixisadda".

"Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay in qaab kasta loola dagaalamo argagixisadda, looga joojiyo dhaqaalaha, wax kasta oo u sahlaya in ficiladooda argagixisada cid wax ku yeeleeyan haddana qaraarada la xiriira dhaqalaha, golaha wasiiradda Soomaaliya waxay ka doodeen dhibaatada uu u geysan karo dadka caadiga ah," ayuu yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaadey in guddi loo saarey qaraarkaasi, kuwaasi oo kasoo talo bixin doona, kadibna warbixin la wadaagaya xubnaha Laanta Fulinta si ay go'aan uga gaaran.

Guddiga ayaa, sidda uu xusay Maareeye, waxay si lamid ah talooyin kasoo bixin doonan qaabka ugu wanaagsan ee loola dagaalami karo "argagixisadda" iyada oo la tixgelinayo arrimaha bini'aadanimadda.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Kenya ay dhowaan u gudbisay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa qaraar ay ku codsaneyso in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha uu UN-ka u aqoonsan yahay argagixiso.

Mas'uuliyiin u dhashay xukuumadda Nairobi ayaa waxay ka dhawaajiyeen in go'aankaasi uu xoojinayo gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Dowladda Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale waxay soo jeedisay in hogaamiyeyaasha Al-Shabaab lagu soo rogo xayiraadyo dhaqaale iyo mid dhanka socdaalka.

Hasa ahaatee, diblumaasiyiin hore iyo ururada arrimaha gargaarka bini'aadanimo ee waddanka Mareykanka ayaa Washington ka codsaday in ay qaadacdo qaraarkaasi.

Xubnahaasi oo dalabkooda ku hagaajiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku adkeysatay in qaraarkaasi uu saameynayo howlaha gargaar ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Kenya, oo raadineyso in kursi aan joogto ahayn ay ka hesho Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayaa waxaa dhextaala dacwad dhanka badda oo ay go'aan ka gaareyso Maxkamadda Cadaalada Aduunka.

Geesta kale, shirka oo uu gudoomiyey ra'iisul wasaare Khayre ayaa lagu ansixiyey is-afgarad u dhexeeya Wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo dhigeeda dalka Turkiga. Lama fahfaahin is-fahamkaasi.

Ugu dambeyntii, xukuumadda ayaa bogaadisay dagaalka iyo howlgalada ciidamada xoogga ee ka dhanka ah Al-Shabaab kana socda gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo xubno dhowr ah looga khaarijiyey.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM