Soomaaliya oo dhowr talaabo u qaaday la wareegida amniga

Image
Al Shabaab ayaa ah qatarta ugu badan ee amaanka dalkaan ku yaalla geeska qaaradda Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Qorshaha KMG ah oo dib u habeyn loogu samaynayo ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ka dib wada hadalo magaalada Muqdisho ku dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Afrika iyada oo kulanka lagu casuumay deeq bixiyaasha Caalamiga ah.

Qorshaha kala guurka Soomaaliya ee dib u habeynta lagu sameeyay oo dhabbaha u xaaraya habsami u socodka in hay’adaha amniga Soomaaliya ay la wareegaan masuuliyada amniuga ayaa lagu meel mariyay guddiga istaraatiijiyadeed ee uu hoggaamiyo xafiiska amniga qaranka.

“Qorshahan ayaa dhabaha u xaaraya soo afjarida AMISOM, iyadoo magaca howlgalka uu yahay howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxaana la dhameystiri doonaa dhammaadka sanadka 2024-ka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay shirka.

Qoraalka waxaa sheegay in dib-u-eegis lagu sameeyay STP ay Soomaaliya u tahay guul muhiim ah ka hor inta aan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixin xilka cusub ee ATMIS-ka cusub. Kulanka ayaa sidoo kale la iskula qaatay halbeegyada istaraatiijiyadeed iyo ujeedooyinka hagaya waajibaadka shaqo ee ATMIS-ka, qorshaha joojinta iyo qorshaha bixitaanka, iyadoo la raacayo habraaca iyo amarada dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa qaatay khariidad lagu beddelayo AMISOM oo lagu beddelayo ATMIS iyadoo ay oggolaansho ka helayaan Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika iyo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirka waxaa ka qayb galay wakiilo ka kala socday dowladda iyo beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay hirgelinta qorshaha STP, iyagoo hoosta ka xariiqay in dowladdu ay si buuxda diyaar ugu tahay in mas’uuliyadda amniga qaranka lagu wareejiyo Soomaaliya sanadka 2024-ka.

AMISOM, oo waqtigeedu uu ku eg yahay 2022, waa hawlgal nabadeed oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad 20,000 oo askari oo ka kala socda Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Djibouti.

Al Shabaab ayaa ah qatarta ugu badan ee amaanka dalkaan ku yaalla geeska qaaradda Afrika.

General Stephen Townsend, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay in Al-Shabaab oo gacanta ku haysa dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada ah ee sida aadka u kobcaya, ugu dhaqaalaha badan, uguna weerarada badan. Kooxda ayaa jirtay ilaa sanadkii 2007-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM