Soomaaliya oo doonaysa in toos loo siiyo kaalmada Switzerland

Image
Talaabadan ayaa loo arkaa mid ka qeyb qaadan karta dardargelinta gurmadka abaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Switzerland.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Bern ee caasimadda Switzerland, waxaana Ergeyga ku weyliyay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, iyadoo looga hadlay kordhinta kaalmada gurmadka abaaraha iyo sidii Switzerland ay Dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahayd helista dhaqaalaha loo qoondeeyey waddamada uu is-beddelka cimilada saameeyay.

Switzerland ayuu kala hadlay in si toos ah kaalmada bani’aadannimo loo siiyo Dawladda Federaalka iyo hay’adaha Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha sama-falka, si loo fududeeyo in gargaarku si degdeg ah u gaaro dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen, lana dhiso kartida hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka sii horreeyay shir ka dhacay Magaalada Genève oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka, kaasoo Ergeygu diiradda ku saaray saamaynta ay Is-beddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Switzerland ayuu uga mahadceliyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo ku boorriyay mudnaanta ay siinayaan dalalka gobolka ee ku aaddan iskaashiga horumarinta Switzerland ee hoos yimaada barnaamijka iskaashiga Geeska Afrika.

Inta uu ku sugan yahay dalkaan ayuu si lamid ah la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, kulan ka dhici doona magaalada Zurich, isagoo Jaalidda uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka kuna dhiiragalin doona sidii ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM