Soomaaliya oo "faragelin iyo kicin qabiil" ku eedeysay Itoobiya

Image
Eedeyntan waxay qeyb ka tahay khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhaxeysay dhinacyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa Jimcihii ku eedeysay Itoobiya inay faragelin ku heyso gudaha maamul goboleedka Jubaland. Eedeyntan ayaa qeyb ka ah khilaaf xooggan oo muddo sannad ku dhow ka dhex taagnaa labada dowladood.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa isku maandhaafsanaa tan iyo markii dalka Itoobiya bishii January ee sanadkan uu heshiis la galay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

Heshiiskaas wuxuu ku saabsanaa in ay ka kireeyaan dhul xeebeed deked iyo saldhig milatari oo ay ku beddelanayaan aqoonsi, inkasta oo aanay Addis Ababa xaqiijin.

Soomaaliya oo colaad ka daashay waa federaal ka kooban shan dowlad goboleed oo kala ah Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed - iyo dowladda dhexe ee Muqdisho.

Eedeynta Soomaaliya ayaa sidoo kale imaaneysa wax yar kadib markii Jubaland dib loo doortay madaxwayne Axmed Madoobe, taasoo ka careysiisay dowladda dhexe oo rajaynaysay inay la jaanqaado doorashada mustaqbalka ee dalka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM