Soomaaliya oo ka feejigan Ebola oo lug lasoo galey bariga Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka xukuumada federaalka ah ayaa ku dhawaaqday in ay ka feejigan tahay faafitaanka cudurka Ebola oo hal lug lasoo galey bariga Afrika.

Uganda ayaa noqday waddankii ugu horeeyay Geeska Afrika ee laga soo wariyo xanuunkaan, halkaasi oo illaa iyo haatan lasoo sheegayo in ay u geeriyoodeen saddex ruux mid kamid ah uu yahay caruur.

Balse wasaarada caafimaadka Soomaaliya oo soo xiganeysa war-murtiyeed ay Hay’adda Caafimaadka Aduunka soo saartay ayaa xusay in "xaalada Ebola ee Uganda aysan gaarsiisaneyn heer laga walwalo".

"Sidaasi awgeed, waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegeynaaa, iyada oo la kaashanayo aqoonta loo leeyahay cudurada faafa, in aysan jirin walwal laga qabo in cudurkan uu u soo gudbo dalkeena," ayaa tiri.

Cudurkan oo si degdeg ah ku faafa isla markaana dhowr nooc loo qaado ayaa waxa sanadkii 2014-kii laga helay wadamada Guinea, Liberia iyo Sierra Leone oo dhaca Galbeedka qaaradda Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka oo bulshada ka codsatay in aysan "ku kad-soomin wararka ay baahiyaan ilaha aan rasmiga ahayn" ayaa tibaaxay in ay diyaarisay shaqaale iyo agab ay uga hortageyso cudur-dilaacyada noocaan ah.

"Wasaaradda iyadda oo gudaneysa waajibaadkeeda waxay heegan gelisay howladeeno horey loogu tababarey, agab loogu talogalay ka fal-celinta cudurada noocaan ah, waxayna xiriir la sameyn doontaa hay’addaha dowladda ay khuseyso sida Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Wasaarada Warfaafinta iyo hay’addaha amniga ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka wasaaradda ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dalka Kenya uu taxadar dheeraad ah geliyey hay’addihiisa caafimaadka maadaama dalka Uganda oo ay deris yihiin laga soo wariyay cudurkan.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM