Soomaaliya oo garab istaagtey Itoobiya kadib afgembigii dhicisoobay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay in-qilaabkii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada, waqoyga dalka Itoobiya, ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso falkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumada federaalka ah ayaa waxaa lagu sheegay in ay dowladda garab istaag iyo midnimo u muujineyso dhigeeda Addis Ababa oo wajaheysa mar-xalad adag.

Geesta kale, Cabdinuur Maxamed Axmed, afhayeenka Maxamed Farmaajo, ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in madaxweynaha uu ka tacsiyeynayo mas'uuliyiinta lagu dilay in-qilaabkaasi dhicisoobay.

"Madaxweynaha waa uu cambaareynayaan isku dayga afgembi ee gobolka Amxaarada, waxana uu garab taagan yahay shacabka Itoobiya," ayuu Cabdinuur ku yiri qoraalkiisa oo English ku qornaa.

Madaxweynihii gobolka Amxaarada, Ambachew Mekonnen, iyo lataliyihiisa ayaa lagu khaarijiyey weerarka oo bilowday fiidnimadii Sabtida magaalada caasimada ah ee Bahir Dar.

Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolkaasi, Asamnew Tsige, ayaa sidoo kale lagu waramayaa in uu si daran ugu dhaawacmey qalalaasahaasi xili haatan ka daaweynayo.

Taliyihii ciidamada milatariga Itoobiya, Seare Mekonnen, ayay ilaaladiisa ku toogteen gudaha hoygiisa Addis Ababa markii uu isku dayey in uu fashiliyo afgambiga oo si weyn loosoo abaabulay.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo tilmaamay in lasoo xiray shaqsiyaad lala xiriirinayo dilalka iyo afgambiga ayaa ku eedeeyay madaxa amniga gobolka Amxaarada in uu ka dambeeyo Afgembiga.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ayaa intaasi ku daray in lagu raad-joogo mas'uulkaasi uu isaga xabsiga kasoo daayey iyo shaqsiyaad kale oo kala shaqeeyay fulinta howlgalkaasi.

Isaga oo ka hadlaya muuqaal-baahiyaha dowlada xiranna darees ciidan, Mr Abiy ayaa afgembi ku sifeeyay "talaabo ka dhan ah dastuurka iyo hogaanka Amxaarada".

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sanadkii hore, Abiy ayaa lagu dhaliilayaa in uu ka gaabiyey xalinta rabshadaha qowmiyadaha kuwaasi oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay ku barakaceen malaayiin ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM