Soomaaliya oo gudbineysa dacwad ka dhan ah Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa dhigeeda Kenya waxay ku eedeysay duqeyn 3-dii bishan June ka dhacdey gobolka Gedo taasoo galaafatay nolosha shacab isku qoys ahaa.

Wasaaradda arrimaha dibada xukuumada Muqdisho ayaa sheegtay in dhacdadaas ay si xoogan u cambaareyneyso dacwad la xiriirta falkanna u gudbin doonto Golaha Ammaanka Midowga Afrika.

Weerarka dhanka cirka oo la wariyey in ay geysteen diyaaradaha dagaalka milatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ka dhacay degaanada Ceelcadde iyo Hisa-u-gur ee Gobolka Gedo.

"Way sii kordhayaa howlgalada daandaansiga iyo kala sooc la'aanta ee ciidamada Kenya ka fulinayaan Soomaaliya iyadoo lagu marmarsiyoonayo la dagaallanka xagjirnimada, gacan kama geysaneyso dadaallada xasilinta iyo ka-hor-tagga xag-jirnimada taas bedelkeeda waxay xagjirineysaa bulshada taageerta xagjiriinta," ayay tiri wasaaradu.

Hogaanka dowlada Kenya ayay ku eedeysay in ay ka gaabiyeen u hogaansamida shuruucda caalamka "taasoo horseeday xiriirka diblumaasi ee sii xumaanaya" ee labada dowladood ee deriska ah.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa isku haya arrimo ay kamid yihiin dacwadda badda ee hortaala Maxkamada Cadaalada Aduunka ICJ taasoo natiijada la filayo dhowaan iyo ka ganacsiga Jaadka miiraha Kenya.

Wadahadalo dhowr ah oo madaxda labada waddan ay yeesheen ayaa kusoo dhamaadey in wali aan la qaboojin xiisada iyaddoo isku-daygii u dambeeyay oo Qadar ay sameysay uu dhicisoobay.

Hoos ka akhriso qoraalka Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM