Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta

Image

MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay go’aan lagu hakiyay dhammaan heshiisyadii ay Soomaaliya la lahayd Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa dekedaha, amniga iyo difaaca, kaddib markii la sheegay in heshiisyadaasi wax u dhimayeen midnimada, madaxbannaanida iyo kala dambeynta dastuuriga ah ee dalka.

Go’aanka ayaa lagu gaaray shir ay Golaha Wasiirradu yeesheen 12-ka Janaayo 2026, sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi ah. Hakinta ayaa khuseysa heshiisyada la xiriira maamulidda iyo maaraynta dekedaha iyo garoomada ku yaalla dhulka Soomaaliya, oo ay ku jiraan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Golaha Wasiirradu sidoo kale waxay go’aamiyeen in la hakiyo dhammaan heshiisyada laba geesoodka ah ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa iskaashiga amniga iyo difaaca.

Goluhu wuxuu sheegay in go’aankaasi ka dhashay qiimeyn muujisay tallaabooyin wax u dhimaya madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaran iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.

Iyagoo ku dhaqmaya waajibaadkooda dastuuriga ah, Golaha Wasiirradu waxay adkeeyeen mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo nidaamka dastuuriga ah ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa durba ka jawaabtay go'aanka DFS, iyadoo sheegtay inuusan waxba ka bedeli karin heshiiska Berbera ay kula jiraan shirkadda DP World, oo laga leeyahay Imaaraadka.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dhowrista mabda’a madaxbannaanida dowladaha, sinaanta caalamiga ah iyo ku dhaqanka dastuurka, iyadoo ku xustay in go’aanku waafaqsan yahay waajibaadka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo Jaamacadda Carabta.

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM