Soomaaliya oo isku diyaarinaysa shirweynaha isbedelka cimilada

Image
Shirweynaha wadatashiga ee la qorsheynayo ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka deegaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale, ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo loogu diyaar garoobayo shirweynaha wadatashiga Tiirka Adkeysiga Cimilada ee Qorshaha Isbedelka Qaran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gorfeyn lahaa qorshaha lagu wajahayo isbedelka cimilada ee dalka, iyada oo la isku diyaarinayo shirweyne wadatashi oo lagu falanqeyn doono arrintan muhiimka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu lafa-guray aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo la xiriira sidii loo horumarin lahaa qorshaha qaran ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada, iyadoo laga duulayo baahiyaha iyo caqabadaha jira.

Shirweynaha wadatashiga ee la qorsheynayo ayaa ah mid muhiim u ah mustaqbalka deegaanka iyo horumarka waara ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM