Soomaaliya oo ka dhiidhisay "xadgudub" ay ku kacdey Kenya

Image
Nairobi ayaa illaa haatan wax war ah kasoo saarin dhawaqa xukuumadda Nairobi.

NAIROBI, Kenya - Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur [Tarzan] ayaa wuxuu ka baxay munaasabad ay ka qeyb galayeen dublamaasiyiinta ajnabiga ah kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi dalka Kenya.

Safiirka ayaa halka uu ka socdey kulanka ku arkey calanka Somaliland oo meesha suran, sida ay wararku sheegayaan. Goobta ayaa waxaa khudbadii ugu dambeysay doorashada ka hor ka akhriyayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa warqad ku qoran luuqad adag waxay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Nairobi ayaa ka dalbatay sharaxaad ku saabsan "martiqaadka ku talagalka ahaa".

"Waa nasiib darro iyo xadgudub ka dhan an madax-banaanida Soomaaliya," ayay safaaraddu ku tiri qoraalkan oo nuqul kamid ah uu helay xafiiska warsidaha Garowe Online ee Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa wali wax hadal ah kasoo saarin dhacdadan oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga hadal hayey warbaahinta Soomaalida gaar ahaan baraha bulshadda.

Maamulka Somaliland oo 1991-dii ku dhawaaqay in uu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale ayaa dhankiisa wali ka falcelin dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay ayay ka gaabsadeen in ay ka faaloodaan.

Maxamed Barawaani ayaa lagu magacaabaa shaqsiga ay Somaliland u dirsatay kulankaas. Waxaa la sheegayaa in uu kamid yahay howlwadeenadda xafiiska ismaamulku ku leeyahay Nairobi. Lama ogga sababta Kenya ugu casuuntey kulankan ballaarnaa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SAFAARADDA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM