Soomaaliya oo ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Kenya

Image
CabdiSaciid Muuse Cali, lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo. [Photo: AMISOM]

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka falcelisay dhawaq dhowaan kasoo yeeray taliyaha ciidamadda Kenya, Robert Kariuki Kibochi, kaasoo ku saabsanaa joogitaanka askarta dalkaas ee ka tirsan taliska AMISOM.

Kibochi, oo u waramay warbaahinta KBC, ayaa shaaca ka dhigay in ciidamadda Kenya ay baaq kusii ahaan doonan Soomaaliya illaa laga adkaanayo maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisada caalamiga Al-Qaacida.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in joogitaanka askarta Kenya ee Soomaaliya ay fure u tahay in siyaasadda xukuumadda Nairobi ee ku aadan xaqiijinta amniga, nabada iyo xasiloonida gobolka colaadaha daba-dheeraadey wajahaya ee Geeska Afrika.

Balse, xukuumadda Muqdisho ayaa sheegeysa in wixii ka dambeeya sanadkan sii dhamaanaya ay soo gabagaboobi doonto in fasax la’aan ay Soomaaliya ku joogaan ciidamada dowladaha deriska ah ee ka tirsan howlgalka AMISOM.

"Fekerkiisa wuu ka hadli karaa. Laakiin mar walba waa in aan maanka ku haynaa in ciidamada AMISOM ay kaliya ku joogi karaan Soomaaliya rabitaanka dowladda federaalka. Go’aanka ayaga malahan," ayuu yiri CabdiSaciid Muuse Cali, oo ah lataliyaha arrimaha amniga qaranka ee madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Golaha ammaanka Qaramada Midoobay cidda uu wax ka waydiinayo in ciidamadaas sii joogayaan iyo in kale waa dowladda Soomaaliya".

Sida laga soo xigtey lataliyaha, kadib dhamaadka sanadkan "waxaa adkaan doonta in ay Soomaaliya sii joogaan ciidamadda dowladaha deriska". Ma fahfaahin qaabka ay ku imaaneyso iyo haddii xukuumada Muqdisho ay qaraar gudbisay.

Kenya ayaa howlgalka AMISOM waxay qeyb ka noqotay 2011-kii. Wallow kalkii hore ay ogolaanshiyo la’aan kasoo talaabtay xuduudka, haddana gedaal ayay kaga biirtey howlgalka.

Howlgalka AMISOM ayaa haatan wajahaya hubanti la’aan baahsan maadaama 14-sano oo dalka ay joogeen ku dhameysteen guulo la tirin karo. Is-mari-waa ayaana ka taagan qaabka u sii shaqeyn karo iyaddoo ay jiraan soojeedino kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM