Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ka qabsoomay magaalada Qaahira

Image
Shirkan ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika 20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Labbaad ee Dalka Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar kaga qeyb galaya Kulanka 12aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12 oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dejinta Aadanaha (UN-Habitat).

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa dejinta yoolalka horumarinta waara, magaalaynta, xakameynta caqabadaha hadda jira ee caalamiga ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka kor u kaca kharashka nolosha, isbeddelka cimilada, la'aanta adeegyada aasaasiga ah iyo colaadaha adduunka ka socda.

Shirkan oo uu furay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Siisi ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika 20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM