Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay qaddiyada Falastiin

Image
Shirkaas waxaa ka qeybgalay Safiirka JFS u fadhiya dalka Malaysiya, Ali Mohamed Abukar (Ali Wolf).

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir xilliyeedka 9-aad ee sanadka 2024 ee Golaha Safiirrada Carabta u fadhiya Kuala Lumpur, ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 07/10/2024 laguna qabtay Maqaaxida Yaahalaa (Yahala Restaurant).

Shirkaas waxaa ka qeybgalay Safiirka JFS u fadhiya dalka Malaysiya, Ali Mohamed Abukar (Ali Wolf).

Qodobada shirkaas looga hadlay waxaa ka mid ahay: Cilaaqaadka Waddamada Carabta la leeyihiin Dalka Malaysiya iyo Qaddiyadda Falastiin ee hadda taagan iyo qodobbo kale oo xiisa leh.

Shirka waxaa kaloo lagu martiqaaday Dato’ Seri Timor Shah Rafiq oo isaguna shirka ka hadley wuxuu Danjirayaashana soo gaarsiiyay Martiqaad uu Sultan Nazrin Muizzuddin Shah ee Gobalka Perak(State of Perak)u fidiyay Safiirrada Carabta, martiqaadkaas oo socon doona 25-27 November 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM