Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay tayeynta waxbarashada

Image
Kulankan oo ka dhacay magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa yeeshay xoghayaasha Baarlamaanka Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka mid ah Golaha fulinta ee xoghayaaasha Baarlamaanka Pan-Afrika iyo xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa Magaaladda Johanesburg ee Dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shirka xoghayaasha Baarlamaanka Afrika oo maanta ka furmay halkaasi.

Shirka waxaa looga hadlay xoojinta iyo kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tayeynta xirfadda dhalinyaradda qaaradda Afrika iyo sidii qarnigan 21-aad muhiimad gaar ah loo siin lahaa horumarka qaaradda.

Ajendaha guud ee kukanka oo ah Ajendaha ururka ee sanadka 2063,waxa uu horudhac u yahay shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika oo maalinta beri ah si rasmi ah u furmi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM