Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 48-aad ee Booliiska dalalka Carabta

Image
Shirweynahaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Dalka Tuunis.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullahi Maxamed Kaniif ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka 48-aad ee Booliiska dalalka Carabta.

Shirweynahaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Dalka Tuunis, iyadoo taliyaha sidoo kale kulan dooceedyo la qaadan doono taliyayaasha Booliiska dalalka Carabta ee shirkan goobjooga ka ah.

Inta shirka socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wanaajinta xiriirka nabadgalyada dawladaha carbeed, si gaar ah waxaa laysku waydaarsanayaa xogta danbiyada, dhagridda hantida maaliyadeed iyo sidii loo ilaalin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM