Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka INTERPOL ee Afrika

Image
Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalaya Taliyaha Ciidanka Booliiska, General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Magaalada Addis Ababa caasimadda Itoobiya waxaa maanta Axad ah ka furmaya Shir u dhaxeeya Taliyaasha Ciidanka Booliiska waddamada dhaca Bariga & Bartamaha Afrika ee xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalaya Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Addis Ababa, waxa uu warbixin guud ka bixinayaa howlaha Booliiska Soomaaliyeed uu qabtay muddooyinkii dambe.

Shirka oo ah mid sanadkiiba mar ay yeeshaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska Waddamada Xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa looga wada hadlaa xoojinta xiriirka dalalkaan iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen soo qabashada Dadka baxsadka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Xijaar ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Gen. Demelash Gebremicheal & saraakiil kale ka hor furitaanka shirka waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyo wada shaqaynta.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa shirka la tagaya waxqabadka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan ilaalinta nabadgalyada goobihii lagu qabtay Doorashooyinka Baarlamaanka, Madaxweynaha, Dhaarinta & kulamadii kale ee Dalka ka dhacay.

Gunaanadka Shirka ayaa lagu wadaa in laga soosaaro Warmurtiyeed lagu muujinayo waxyaabaha ay ku heshiiyeen Taliyaasha Ciidamada Booliiska ee waddamada Xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Soomaaliya, waxay Interpol dhowr mar kala shaqeysay falal danbiyeedyo la rabay in xal laga gaaro,  gaar ahaan waxa ay garoonka diyaaraddaha Muqdisho ka qabteen booliska ka howlgala dad Interpol ku raad joogtay, halka Somalia loo soo gacan geliyay eedeysanayaal baxsad ahaa.

Interpol, waa Hay’ad gaar ugu xilsaaray soo qabashada “Dadka geysta Dambiyada kala duwan ee Baxsadka ah” Dalalka xubnaha ka ah waxaa waajib ku ah in ay gacanta ku dhigaan qofka uu daneynayo Dalka xubinta ka ah Hay’addaan.

Hay’adaan waxaa lagu aasaasay Magaalada Vienna ee Austria 7dii September 1923, Bisha 9aad ee sanadkaan 2022 waxa ay hay’addaan jirsaneysaa 98-sano, diiwaanka Interpol waxaa galay in ay soo qabteen Dad ka baxsaday waddamadooda kuna eedeysan dambiyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles