Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Jaamacadda Carabta

Image
Shirka ayaa aad loogu faaqiday Xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee Falastiiniyiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Wafdi uu hogaamanaayo ayaa maanta ka qaybgalay meertada 162aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed, Shirkan oo ka qabsoomay Xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta kuleedahay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Shirka ayaa waxaa aad loogu faaqiday Xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee lagu haayo Shacabka Reer Falastiin, Madaxdu waxa ay si wadajir ah hoosta uga wada xariiqeen Muhiimadda ay leedahay in shacabka Falastiiniyiinta loo fududeeyo gaarsiinta Kaalmada Bani'aadannimo, lana dhaqan galiyo xabad joojin shuruud la'aan ah, si Mandiqadda loogu soo dabaalo Xasilooni waarta .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM