Soomaaliya oo Kamid Noqotay Dalalka Awoodda Ciidan ee Ugu Daciifsan 2025

Image

NAIROBI, Kenya - Soomaaliya ayaa kaalinta 142-aad ka gashay 145 dal oo lagu qiimeeyay Global Firepower Index 2025, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah ciidanada ugu tabarta daran caalamka. Waxaa ka hooseeya oo kaliya Bhutan, Benin, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Qiimeyntan sannadlaha ah ayaa lagu saleeyaa in ka badan 60 qodob oo ay ka mid yihiin tirada ciidamada, hubka iyo qalabka ciidan, miisaaniyadda difaaca, awoodda saadka, kheyraadka dabiiciga ah, iyo juquraafi ahaan inta ay gacanta ku hayaan.

Inkasta oo Soomaaliya ay hesho taageero weyn oo caalami ah oo ay bixiyaan dalalka Mareykanka, Turkiga, Midowga Yurub, iyo Ingiriiska — gaar ahaan tababaro iyo maalgelin — hadana caqabadaha siyaasadeed gudaha ah iyo istaraatijiyad qaran oo liidata ayaa hoos u dhigeysa waxtarka taageeradaasi.

Ciidamada Soomaaliya ayaa weli la tacaalaya la’aanta miisaaniyad ku filan iyo dhibaatooyin xagga saadka ah. Khubarada amniga ayaa sheegaya in ku tiirsanaanta tababarada shisheeye ay muujinayso nuglaanta istiraatiijiyadeed ee dalka.

Dalka Itoobiya ayaa kaalinta 52-aad ka galay, halka Kenya ay ku jirto kaalinta 83-aad. Jabuuti kama muuqato liiska 2025 balse waxay muhiim u tahay juquraafi ahaan, iyadoo martigelisa saldhigyo ciidan oo Mareykanka, Shiinaha, iyo Faransiiska leeyihiin.

Dalka ugu ciidan xooggan Afrika sanadkan waa Masar (19-aad), waxaa ku xiga Aljeeriya (26-aad), Nigeria (31-aad), Koonfur Afrika (40-aad), iyo Itoobiya (52-aad).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM