Soomaaliya oo kasoo muuqatay dalal liis madow lagu daray

Image

GENEVA, Swiss - Soomaaliya, Congo, Afgaanistaan ​​iyo Suuriya ayaa ugu sarreeya liiska meelaha ugu halista badan ee carruurta ay ku noolaato, sida ay Isniintii shaaca ka dhigtey Qaramada Midoobay.

Tani ayaa ka dhigan in wadamadan ay ka dhaceen ku dhowaad 60% dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah caruurta ee ku jira warbixinta UN-ka ee wadamadda kasoo muuqda liiska madow.

Sida ku xusan warbixinta, in ka badan 3,200 oo caruur ah ayaa la xaqiijiyay in lagula afduubay xaaladaha dagaalada sanadkii 2020, ugu yaraan 1,268 waxay ahaayeen dhibanayaal tacadiyada galmada.

Dambiyaddiiugu xumaa ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay ka dhaceen Soomaaliya oo ay ka jiraan "xadgudubyadii ugu badnaa illaa iyo hadda," iyaddoo Al-Shabaab ay tahay cidda ugu badan.

Afgaanistaan, waxay sheegtay warbixinta, in Taalibaan ay mas'uul ka tahay saddex-meelood laba meel xadgudubyada, dowladda iyo maleeshiyooyinka dowladda taageera inta kale.

Myanmar ayaa sidoo kale, kaalinta koowaad kaga jirta liiska xadgudubyada waaweyn, oo ay ku jiraan tirada ugu badan ee carruurta la askareeyay lana isticmaalay, halka Yemen ay ka mid tahay tirada ugu badan ee carruurta la dilo ama la naafeeyo.

Warbixinta waxaa ku jiray war wanaagsan. Dadaallada u-doodista awgeed, kooxaha hubeysan iyo ciidamada amniga waxay sii daayeen 12,643 carruur ah. Iyo tirada jilayaasha ku howlan xafiiska UN-ka, saxiixida qorshayaasha waxqabadka iyo sameynta balanqaadyada cusub ee lagu badbaadinayo carruurta ayaa sii kordhaya.

Ugu dambeynti, Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaadda ayay warbixintu si cad u sheegtay in horumar kooban laga sameeyay gabaad-siinta dhalinyaradda, balse aysan muuqan dedaalo abaabulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM