Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Image

ANKARA - Turkiga ayaa muwaadiniinta sagaal dal oo Afrikaan ah u oggolaaday inay internet-ka ka dalban karaan fiisaha elektaroonigga ah ee loo yaqaan e-Visa, balse Soomaaliya laguma darin liiskaas.

Dalalka Afrika ee nidaamkan ka faa’iideysan kara waxaa ka mid ah Aljeeriya, Cabo Verde, Masar, Equatorial Guinea, Liibiya, Mauritius, Namibia, Senegal iyo Koonfur Afrika.

Go’aankan ayaa su’aalo ka dhex abuuray Soomaalida, gaar ahaan marka la eego xiriirka dhow ee siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay dano iyo maalgashi ballaaran, wuxuuna taageero ka geystaa dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bani’aadannimo.

Shirkadda Turkish Airlines ayaa sidoo kale muddo dheer duulimaadyo ku tagaysay Muqdisho, halka muwaadiniin Soomaaliyeed oo badan ay Turkiga u tagaan caafimaad, waxbarasho, ganacsi iyo dalxiis.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka, waxaana badanaa looga baahan yahay inuu codsiga u maro safaaradda ama xarumaha loo oggolaaday qabashada codsiyada fiisaha.

Arrintan waxay muujinaysaa farqi u dhexeeya xiriirka diblomaasiyadeed ee xooggan ee labada dal iyo fududeynta socdaalka ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa hadda la isweydiinayaa sababta Soomaaliya, oo Turkigu ku leeyahay xiriir iyo dano istaraatiiji ah, looga reebay dalalka Afrika ee loo oggolaaday nidaamka e-Visa.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga sugayaa inay Turkiga kala hadasho sidii baasaboorka Soomaaliyeed loogu dari lahaa nidaamka elektaroonigga ah, si loo fududeeyo socdaalka ardayda, ganacsatada, bukaannada iyo muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM