Soomaaliya oo loosoo dirayo khabiir xuquuqul insaanka ah

Image
Isha Dyfan ayaa qorshuhu yahay in ay Muqdisho kula kulanto mas'uuliyiin kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Khabiirka madaxa-banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa booqashadeedii ugu horreysay ee rasmi ah ku imaan doonta Soomaaliya 28-ka Maarso illaa 2-da Abriil 2022-ka.

Booqashada Dyfan ayaa daba socota magacaabisteeda Golaha Xuquuqul Insaanka sanadka 2020 oo ah khabiir madax-banaan si ay u qiimeeyaan, ula socdaan ugana warbixiyaan xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay inay soo jeediso talooyin ku saabsan kaalmada farsamo iyo tayeynta ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Khabiirkan ka socda Qaramada Midoobay ayaa inta uu booqashada ku guda jiro waxa uu la kulmi doonaa maamul goboleedyada dalka oo ay ka mid yihiin Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xildhibaano.

Waxay kaloo la kulmi doontaa wakiillo ka socda Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), hay’adaha Qaramada Midoobay, wakiillada bulshada rayidka ah iyo kuwa caalamiga ah ee aan dowliga ahayn.

Inta ay Soomaaliya joogto, Khabiirka Madaxa Banaan waxa uu booqan doonaa caasimadda Muqdisho, waxa uuna safar shaqo ku tagi doonaa Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, halkaas oo ay kula kulmi doonto mas’uuliyiinta maxalliga ah iyo jilayaasha bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

Waxay la socon doontaa oo ay qiimeyn doontaa xaaladda xuquuqul insaanka, waxayna booqashadeeda diiradda saari doontaa xuquuqda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ee Soomaaliya.

Dyfan waxay la wadaagi doontaa indha-indhaynteeda hordhaca ah shir warbaahineed dabayaaqada usbuuca ka dhacaya Xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho. Faahfaahinta waa la wadaagi doonaa wakhtigeeda Gelitaanka waxa ay ku koobnaan doontaa saxafiyiinta oo kaliya.

Khabiirka Madaxa Banaan ayaa soo bandhigi doona warbixintii ugu dambeysay oo ay la socoto natiijooyinkeeda iyo talooyinkeeda fadhiga Golaha Xuquuqul Insaanka ee Sebtembar 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM